Ra’iisul Wasaare Rooble oo u digay Mas’uuliyinta Hay’adaha garsoorka

24

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedrraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga digay mas’uuliyiinta Hay’adaha garsoorka dalka in ay u cadaalad fali waayaan Shacabka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare rooble ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka cawdaan garsoorayaasha, isaga oo digniin culus u diray Hay’adaha garsoorka dalka.

Shacabka Soomaaliyeed aadbey uga cawdaan garsoorayaasha waxaan idinkaga digayaa in shacabku idinka cawdo, waxa aad maanta fashaan ayaad bari heleysaan, barri shacab ayaad noqoneysaan maanta cadaalad fala si aad barri u heshaan ayuu yiri” Ra’iisul wasaare Rooble.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedrraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowr jeer Shacabka qaarkood ay sheegeen in aysan Cadaalada ka jirin Maxkamadaha dalka, taas oo so laab laabatay