Sacuudiga oo uga digay Muwaadiniintiisa inay u socdaalaan dalal ay kujirto Somalia

19

Dowladda sacuudi Carabiya ayaa waxaa ay muwaadiniinteeda iyo dadka kale eek u nool dalkaasi waxaa ay uga digtay inay u safraan 12 dal oo ay kamid tahay Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa soo bandhigtay Magacyada dalalka Muwaadiniinta Sacuudiyaanka ah looga digay inay u safraan, sida  lagu daabacay Gulfbussines, waxaana dalalkaas ay kala yihiin Siiriya, Libya, Soomaaliya, Lubnan, Yemen, Afghanistan, Iiran, Turkiga, Armenia, Congo, Belaruz, iyo Venesuala.

Dowladda Sacuudiga ma shaacin sababta ka dambeeysa Go’aankan, hayeeshee waxaa loo badinayaa inay la xiriirta nooca Cusub ee Cudurka Coronavirus oo wadamada badan ka dilaacay.

Sidoo kale Sacuudiga ayaa ugu baaqay Muwaadiniintooda ku sugan Gudaha 12-ka dal inay la soo wadaagaan xogtooda Caafimaad Safaaradda ay Sacuudiga ku leedahay dalalkaas si loola socdo xaaladooda.

Sidoo kale Muwaadiniinta Sacuudiga iyo dadka kale eek u sugan Gudaha dalkaas ayaa waxaa la amray inay dowladda la socod-siiyaan hadii ay doonayaan inay dalalkaas u safraan maadaama si KMG ah loo joojiyay in la aado dalalkaas.

Dowladda Sacuudiga ayaa saaxiibo badan ku leh dalalka Reer Galbeedka oo uu aad u saameeyay cudurka COVID-19, hayeeshee dalalkaasi kuma jiraan kuwa Go’aanada laga soo saaray.