Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray digniin ku socota Shacabka Muqdisho

15

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Shacabka Magaalada Muqdisho uga digay inay ku dhex Ganacsadaan wadada Kacaanka ee loo yaqaano Cir-toogtaha, taas oo ku taalla Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Wadadaas oo ku taalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Blacksea & Isgoyska Bakaaraha ayaa waxaa ay aheyd mid burbursanaan jirtay, hayeeshee Maamulka Gobolka Banadir uu dib u dhis ku sameeyay, waxaana horay ugu dhex Ganacsan jiray dad u badan warato, kuwaas oo wadada xiray.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen Mas’uuliyiinta degmooyinka Howl-wadaag iyo Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa looga digay Ganacsatada yaryar inay ku dhex Ganacsadaan wadada Cirtoogtaha oo dib loo furay.

Guddoomiyaha degmada Howl-wadaag  Mustaf Cali Kheyre ayaa sheegay in wadadaan ay aheyd 30kii Sano ee la soo dhaafay mid burbursan, balse Maamulka Gobolka Banaadir uu ku guuleystay in la dhiso laguna soo celiyo sidii ay ahaan jirtay.

Waxaa uu sheegay inay jiraan Ganacsato yar yar oo ku dhex Ganacsanaya wadada, waxaana uu sheegay in, iyaga oo fulinaya Amarka guddoomiyaha Gobolka Banaadir in aysan ogolaan doonin in lagu dhex Ganacsado.

Wadada Cirtoogtaha ayaa waxaa ay kamid tahay meelaha ugu mashquulka badan Magalada Muqdisho, waxaana ku dhex Ganacsanayay dad farabadan, taas oo sababtay in wax gaadiid ah uu mari waayo, balse Maamulka gobolka Banaadir ay fureen kana joojiyeen in lagu Ganacsado.