Midowga Musharixiinta oo qoraal la xiriira muranka doorashada u diray Beesha Caalamka

13

Xubnaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ay qoraal la xiriira muranka ka taagan arrimaah doorashooyinka Soomaaliya waxaa ay u direen Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Qoraalka oo ku qoran luuqada English-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in xalka uu noqon karo in doorashooyinka lagu qabto hal Magaalo, sidoo kalena arrinta kuraasta soomaliland loo madax bannaaneeyo guddoomiyaha golaha Aqalka Sare cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Sidoo kale  Xubnaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay sheegeen inay diyaariyeen  Liiska xubnaha ay tahay in laga saaro Guddiga doorashada ee lagu muransan yahay maadaama dowladda ay dhowr jeer sheegtay iny u soo gudbiyaan.

Xubnaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Muqdisho ku lahaa kulamo isdaba-joog ah tan iyo wixii ka dambeeyay markii Xukuumadda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in la bilaabayo doorashooyin, isla markaana intaan ka badan aan waqtiga laga lumineyn Shacabka Soomaaliyeed.