Gaadiid badan oo ku xayiran Shabeelaha Hoose.

16

Gaadiid aad u fara badan  oo nooca xamuulka ah iska markaana shixnado ganacsi u wado gobolada dalka ayaa haatan ku xayiran degmada Afgooye ee gobolka shabeellada hoose, kadib markii ay kordheen gaadiidka la gubayo iyo dhaca loo geysanayo dadka ku safra gobolkaasi.

Qaar ka mid ah gaadiidledya oo la hadlay KNN ayaa sheegay in muddo 6 maalin ah ay ku xayiran yihiin degmada Afgooye, islamarkaana ay soo wajahday cabsi, taasi oo ay ka baqdin qabaan in gaadiidkooda la gubo, islamarkaana dadka safraya dhaca loo geysto.

Ilaa saddex Baabuur oo kuwa xamuulka ah, islamarkaana waday shixnado ganacsi ayaa dhawaan  lagu gubay agagaarka deegaanka Yaaqbiriweyne oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee  gobolka Shabeelada Hoose.

Gaadiidkan ayaa waxaa ay ku wajahnaayeen Gobalada Bay, Bakool iyo  Gedo, iyagoona Gobaladaasi u waday raashiin.