Madaxweyne Lafta gareen oo gaaray Baydhabo

9

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa gaaray magaalada Baydhabo, kadib todobaadyo uu ku sugnaa Muqdisho.

Wafdiga Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa  waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud ku soo dhoweeyay shacab iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa caasimada dalka ee Muqdisho,waxaa uu ka qeyb galay, kulamo looga hadlayay xal u helida muran ka taagan doorashada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo uu salka ku hayo sidii uu Maamulka Koonfur Galbeed uu noqon lahaa Maamulkii ugu horreeyay ee bilaaba doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.]