Hey’adaha xuquuqda adanaha oo aad uga qeyliyey wiil Soomaali ah oo jir-dil u dhintay

7

Hey’adaha xaquuqda aadanaha u dooda ee dalka Libya oo gaaraya ilaa 32 hay’adood ayaa si kulul u cambaareyay falka wiil Soomaali ah oo u geeriyooday jir dil xoog leh ay u geysteen kooxaha Libyanka ah ee wax tahriibiya.

Wiilkaan oo lagu magacabi jiray Shuceyb Cusmaan Ibraahim oo 19-sano jir ah ayaa lagala baxay guri uu ka deganaa magaalada caasimadda u ah Libya ee Tripoli, waxaana markii dambe la helay isagoo jir-dil xoogan uu jismigiisa ka muuqday, waxuuna goor dambe u geeriyooday jir dilkaas.

Sidoo kale hey’adaha cambaareyay waxaa kamid ah hey’adaha Qaramada Midoobey ee arrimaha qaxootiga u qaabilsan ee UNHCR oo sheegtay in saraakiisha Libyaanka ah ay ka gaabiyaan in daryeel caafimaad la siiyo wiilka Soomaaliga ah.

Guriga wiilka lagala baxay sidoo kale waxaa ku sugnaa wiil kale oo isna Soomaali ah oo 15-sano jir ah, kaas oo ay kooxdu jirdileen isaga iyo qof kale oo u dhashay dalka Sudan.