Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

18

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax nooca miinada ah, kaas oo sababay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir

Qaraxa oo lala eegtay gaari Cabdi-Bile ah oo ay leeyihiin ciidamada booliska Soomaaliya oo ka yimid dhinaca degmada Kaxda ayaa waxa si gaar ah uga dhacay xafaada Xoosh ee degmada Dharkenley

Inta la xaqiijyey qaraxaas waxaa ku geeriyootay seddax askari oo uu ku jiro Taliye ku xigeenka saldhiga booliska ee degmada Kaxda, sida aan ka soo xiganay ilo dhanka ammaanka ah.