QM oo ka digtay Ayax hor leh oo kusoo wajahan Bariga Afrika

17

Ha’yadda cuntada ee Qaramada Midoobey ee FAO ayaa ka digtay ayax hor leh oo ku fidayo koonfurta Itoobiya iyo waqooyiga Kenya.

Ha’yadda waxay sheegtay in ayaxa uu kasoo duulayo goobihii uu horraan sida ba’an u saameeyay ee bariga Itoobiya iyo bartamaha Soomaaliya isla markaana haatan uu ku baahayo gobolka shucuubta koonfureed ee Itoobiya iyo waqooyiga iyo deegaanada dhaca xeebaha Kenya.

FAO waxay sidoo kale ka digtay in bishan uu ayaxa gaari karo karo gudaha Kenya ilaa Tanzania, South Sudan iyo Uganda.

Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii uu ayaxa ku habsaday deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Soomaaliya, wuxuuna baabi’iyay dhul beereed ku yaalla halkaas.