Dowladda Oo Fariin La Xiriirta Doorashada U Xirtay Shacabka Soomaaliyeed

15

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka hadlay Go’aankii Xukuumadda ay ku dhawaaqday ee ahaa in la guda galayo hirgelinta doorashada dalka ka dhacaya ee heshiiska laga gaaray.

Dubbe ayaa sheegay in heshiiskii laga gaaray doorashada ay tabashooyin ka keeneen Madaxda maamul Goboleedyada qaarkood, isla markaana dowladda ay sameeysay isku day-day kasta oo lagu xalinayo arrimahaas, balse si doorashada waqtigeeda loogu qabto uu Ra’iisul Wasaaraha u qaatay G’oaankii hirgelinta doorashooyinka.

Xukuumadda ayuu sheegay Wasiir Dubbe in looga baadan yahay in dalka ka qabato doorasho xor, waxaana uu caddeeyay in kahor 8-da Febraayo la bilaabayo howlaha doorashada dalka, looga diyaar garoobayo arrintaas.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda ayaa tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda kale ee dowladda ay muujiyeen dadaal kasta oo ay ku doonayan in doorashada la qabto, si qof kasta uu uga qeyb galo.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Cismaan Abuukar Dubbe ayuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga dowladda iyo Guddiyada la magacaabay ee doorashooyinka, si aan loo carqaladeyn qabsoomida doorashada.

Khilaaf xoogan ayaa ka taagan  doorashada, xili Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda uu ku dhawaaqay in la guda galayo hirgelinta doorashada, waxaana Musharaxiinta ay digeen tallaabadaas, maadaama ay ka maqan yihiin maamulada Jubbaland iyo Puntland.