Weerar Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Xaafad Ka Tirsan Kismaayo

22

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kaasi geystay khasaaro dhaawacyo ah.

Rag hubeysan ayaa la sheegay inay Bam gacmeedka ku tuureen fariisimo Ciidanka nabadsugida Maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin Isgoyska kuubo ee xaafadda Farjanno ee Kismaayo, waxaana halkaas isaga tegay ragii ka dambeeyay falkaas.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in weerarka kadib Ciidanka Nabadsugida Maamulka ay fureen rasaas dhowr ah,  iyadoo weerarkaas ay ku dhaawacmeen saddex Ruux oo mid Askari ka tirsan Ciidanka uu yahay, halka labada kalena ay Caruur ahaayeen.

Dhaawacyada Caruurta ayaa loo qaaday Isbitaalka Magaalada, waxaana goobta uu falku ka dhacay iyo xaafaddo ku teedsan howlgal  ka bilaabay Ciidanka Booliska Jubbaland, isla markaana ku raadinayay ragii gacmeedka tuuray.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Maamulka Jubbaland oo ku saabsan howlgalkii la saameeyay iyo in dad lasoo qabtay weerarkii xalay ka dhacay xaafadda Farjanno ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.