Weerar askar lagu dilay oo ka dhacay duleedka Balcad

11

Wararka aan ka heleyno duleedka magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxay sheegayaan in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka geysteen weerar lagu dilay askar ka tirsaneed ciidamada dowladda.

Ugu yaraan laba askari ayaa ku geeriyootay weerar jid gal ah oo dagaalamayaal ka tirsan AlShabaab ay ku qaadeen ciidamo maraayey duleedka magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Dhanka kale warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa baahisay in weerarkaas lagu dilay illaa seddax askari oo ka tirsaneed ciidamadii la weeraray.

Al-Shabaab ayaa inta badan weerarro iyo qaraxyo ka geysta inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana aad u yaraaday isticmaalka wadadaas, weerarada Al-Shabaab darteed.