Maxkamada ciidamada oo xukun ku riday askari horey u dilay qof shacab ah

17

Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday Cumar Muxudiin Maxamuud oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka.

Cumar Muxudiin Maxamuud ayaa loo haystaa Dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Cabdullaahi Maxamed Xasan Abow, dilkaas oo ka dhacay degmada Boondheere gaar ahaan Ex Wasaaraddii Caafimaadka 20-kii September 2020.

Maalma kadib ayaa loo soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo awood u leh dhaqaajinta Dacwadda Eedeysanaha, waxa ayna isla xilligaasi weydiisteen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in loo gudbiyo Xabsiga  Eedeysane Sedax Xarigle Xoogga Dalka Cumar Muxudiin Maxamuud garsuge ahaan.

Baaritaana dheer kadib 21-kii November Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysane Cumar Muxudiin Maxamuud, waxa ayna Maxkamadda aqbashay dhageysiga Dacwadda kowdii Decembber bishii ina dhaaftay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la yimid  Sedax marag oo cadeeyay in Eedeysanaha uu dhac u geysanayay Marxuumka, Warqadda Cadeynta dhimashada iyo Gungaarka Baarista Boliiska oo ay sameeyeen saldhiga degmada Boondheere.

Qareenada U dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo Naxariisto Eedeysannaha lagana qaado diyo.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn Cumar Muxudiin Maxamuud ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah magta Marxuum Cabdullaahi Maxamed Xasan Abow.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-Cisho.