Taliyaha ciidanka dhulka oo shaaciyey in DF ay cafis u fidisay ciidamada laga abaabulay Mandheera

13

Taliyaha ciidamada dhulka Soomaaliya Maxamed Tahliil Biixi oo ku sugan magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay cafis u fidinayaan ciidamada Jubbaland hadii ay isku soo dhiibaan dowladda.

Si gaar ah Taliyuhu waxa uu sheegay dhalinyarada ay hubeysay Kenya ee ku sugan aagga magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ay heystaan fursad ay cafis uga heli karaan dowladda Soomaaliya.

“Anaga diyaar umanihin inaan dagaal galno, ma dooneyno in dhalinyarada Soomaaliyeed uu cadawgu iska hor keeno, waalidiin ayaad tihiin ee lasoo baxa dhalinyaradiina waana cafis cid qabsaneyso ma jirto, xitaa haddii ay doonayaan kamid noqoshada ciidanka Dowladda in aan ku biiriyo oo aan tababarno,” ayuu  yiri Taliye Biixi.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Madax bannaanida dhuleed kuma xirna dowlad ama shaqsiyaad, balse waa dan guud oo waajib ku ah, maadaama la badali karo dowladda, lama badali karo calanka, dhulka iyo nidaamka, sidaas awgeed waa muhiim in la ilaaliyo dalka oo la difaaco.”