Axmed Madoobe oo si kulul uga hadlay go’aanka ka soo baxay R/wasaare Rooble

16

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay hadalkii ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor qoor.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in  nasiib darro weyn tahay in Xukuumadda ku dhawaaqdo inuu dalka doorasho galayo, iyadoo aan wax xal ah laga gaarin tabashooyinkii laga keenay arrimaha doorashooyinka.

” Soomaaliya Hadeey Xamileyso Dictatorship anaa iri iyo sidaan hala yeelo ma aysan Burburteen ” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta, haddii la qabto doorasho aan hehsiis lagu wada aheyn, isagoona been abuur ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray madaxweyne Qoor qoor.

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay arinta Gobolka Gedo ayaa waxaa uu baaq u diray shacabka gobolkaasi, waxaa uuna ka dalbaday in la ilaaliyo midnimada iyo

Hadalka Axmed Madoobe ayaa ku soo aadayo, iyadoo shalay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ku dhawaaqay in xukuumadda ay go’aan-satay qabashada doorashooyinka dalka ee 2021-ka, si aan dadka Soomaaliyeed looga lumin waqti kale