Golaha Midowga Musharaxiinta oo shir deg-deg Ah uga socda Muqdisho

17

Golaha midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa waxaa haatan uu shir deg-deg ah uga socdaa hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Shirka oo warbaahintu bannaan joog ka tahay ayaa ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka, iyadoona looga arrinsanayo caqabadaha hortaaggan in ay dalka ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay loona wada siman yahay.

Shirkaan deg dega ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.