Dowladda Somalia Oo Beenisay Inay Heshiis La Saxiixaneyso Shirkado Shidaal

12

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar maalmihii ugu dambeeyay soo baxayay oo ku aadan in dowladda Federaalka ay heshiis shidaal qodis ah la saxiixaneyso Shirkaddo Ajnabi ah oo Madaxdooda soo gaareen Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in aysan Shirkaddo shidaal oo dowladda ay heshiis la saxiixaneyso, xiligaan dalka uu ku jiro marxalada kala guurka ah.

Waxaa uu sheegay Wasiir C/raxmaan Beyle in dowladda ay la kulantay Shirkaddo doonayay in lala saxiixdo shidaal laga qodayo dalka, hayeeshee uusan jirin heshiis lala galay, taasina ay u baahan yahay in sharci loo soo maro.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ugu baaqay inay ka qeyb qaatan sidii dalka looga saari lahaa shidaal iyo kheyraadyo kale oo ku jiray, isla markaana arrimahaas ay muhiim u tahay dowladda iyo dalka.

Hadalka Wasiir C/raxmaan Ducaale  Beyle ayaa waxaa uu kusoo adaya, iyadoo Musharaxiinta Madaxweynaha ay Madaxda dowladda uga digeen inay heshiis qarsoodi ah la galaan Shirkaddo doonaya inay shidaal ka qodis ka sameeyan gudaha Soomaaliya.

Shirkadaha ay sheegeen Musharaxiinta Madaxweynaha in dowladda la saxiixaneyso heshiiska xirmooyinka (BLOCKS) shidaal qodista ayaa lagu kala magacaabaa Liberty Petroleum iyo Coastline Exploration oo horay loo oran jiray SOMA OIl & GAS.