DF oo saakay ciidamo gaar ah ka dejisay magaalada Beledweyne

15

Wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in saakay afar diyaaradood oo sida cutubyo ka tirsan ciidanka Haramcad ay degeen magaalada Beleddweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Illaa hadda ma cada sababta ciidamadaas loo geeyey magaalada Beledweyne oo mudooyinkii dambe uu ka taagnaa khilaaf dhanka maamulka ah.

Duleedka magaalada Beledweyne waxaa ku sugan ciidamo jabhad ah oo uu hoggaaniyo Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo aad uga soo horjeeda madaxda cusub ee maamulka HirShabeele.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa haatan ku sugan magaalada Muqdisho, isagoo xalay Madaxtoyada kulamo kula qaatay madaxweyne Farmaayo iyo madaxda kale ee maamul goboleedyada intooda ku sugan Muqdisho.

Walaac badan ayaa laga muujinayaa ciidamadan cusub ee la geeyey gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne, dowladuna wax faahfaahin ah kama bixin u jeedka ciidankan.