Koonfur Galbeed Oo Magacaawday Guddi Xaqiiq Raadin Ah (Wareegto)

13

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa Guddi xaqiiq raadi ah u magacaabay degmada Wanla-weyn ee Gobolkaas oo ay ka dhaceen dagaalo beeleedyo.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Cabdiqaadir Siidii ayaa lagu magacaabay Guddigan oo ka kooban laba xubnood, kuwaasi oo ka shaqeyn doona sidii xal looga gaari lahaa dhibaatooyin iyo Colaado kusoo noq-noqday degmada Wanla-weyn.

Guddigaan ayaa sidoo kale ah ka shaqeyn doona sidii Gogol nabad ah loogu geli lahaa dhinacyada isku haaya Wanla-weyn oo dhowr jeer halkaas uu ku dhexmaray dagaalo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa laamaha amniga Gobolka faray inay la shaqeeyaan Guddigaan, isla markaana loo fududeeyo wax kasta oo ay baahin yihiin, sida lagu sheegay Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Siidii.

Degmada Wanla-weyn ayaa waxaa ka dhacay dagaal beeleed xun oo dhexmaray maleeshiyo beeleed, waxaana Coladaas ay reebtay dhacdooyin Uur ku taalo, kadib markii qof inta la dilay, kadibna Meydiisa dab la qabadsiiyay