Ciidamada Danab oo Sh/Hoose ku burburiyey gaari ay Al-Shabaab ku soo raareen qarax

0

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal ay ciidamada kumaandooska Danab ay ka fuliyeen deegaan u dhaw Tooratoorow lagu burburiyey gaari ay Al-Shabaab ku soo rareen waxyaabaha qarxa.

Warkan oo ay baahisay Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gaarigaas ay Al-Shabaab ku soo weerari rabeen meelo loo maleynayo inay Muqdisho ugu horeyso.

Sidoo kale warkan waxaa lagu sheegay in ciidamada Danab ay nolosha ku qabteen seddax dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska Danab Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaas qorsheeysan uu mid lagu bartilmaameedsaday gaarigaas qaraxu ku rarnaa iyo xubnaha laga qabtay Al-Shabaab.