Ururka Al-Shabaab oo sheegtay inay dileen Dhamme Cusmaan

8

Wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya waxay sheegayaan in weerar ay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay duleedka magaalada Jalalaqsi ku leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM lagu dilay sarkaal Jabuuti u dhashay.

Dadka ku nool Jalalaqsi ayaa KNN u sheegay in Al-Shabaab ay saqdii dhexe ee xalay soo weerareen saldhig ay Jalalaqsi ku leeyihiin ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti.

Sidoo kale warbaahinta taageerta Ururka Al-Shabaab ayaa baahisay in sarkaal Jabuutiyaan ah lagu dilay weerarkaas ka dhacay Jalalaqsi.

Al-Shabaab waxay sheegeen in meydka sarkaalkaas oo magaciisa ay ku soo koobeen Cusmaan oo heystay darajada Dhamme iyo dhaawacyada seddax askari oo kale saldhigga Jalalaqsi looga qaaday diyaarad ciidan.

Markii laga soo tago sheegashada Al-Shabaab, weli wax war ah weerarkaas kama soo saarin taliska ciidamada AMISOM.