Heshiis Laga Gaaray Dagaalo Ka Dhacay Degaanno Hoostaga Degmada Cadale

16

Madaxweynaha Dowlada Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Husein ayaa caawa munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo gunaanadayay Shirka Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Beelo Walaalo ah oo wada dega Degmada Cadale ugu sameeyay Caasimada Jowhar.c

Munaasabada ay kasoo qeybgaleen Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka ahna kusimaha Gudoomiyaha Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq Xubnaha Labada Gole ee Dowlada, Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Nabadoonada iyo Waxgaradka labada beelood, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa caawa goobjoog u ahaa Heshiis taariikhi ah oo ay kala saxiixdeen Beelahan Walaalaha ah ee Cabadale Caroone iyo Celi Cumar.