Somaliland Oo War Kasoo Saartay Taliye Ka Tirsan Maamulkooda Oo Soo Gaaray Muqdisho

25

Iyadoo dhawanahaan ay soo baxayeen warar sheegaya in taliye ku xigeenkii ciidanka Dab damiska Somaliland uu kasoo degay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa arrintaasi  war kasoo saaray Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Dab damis ka Somliland ayaa lagu sheegay in Taliyaha ka hor inta uusan Muqdisho ka degan Shaqada laga Ruqseyay, waxaaan ay intaas ku dareen in uu ku fashilmay arrimo dhowr ah oo ka mid ah shaqada Ciidanka Dab damiska Somaliland.

Taliye Cabdiraxmaan Faarax Iidle ayaa la sheegay in Magaalada Muqdisho uu ku sugan yahay, waxaana War-saxaafadeedka kasoo baxay Ciidanka Dab damiska Somaliland lagu sheegay in horay intii uu ka mid ahaa Ciidanka uu abuuray Khilaaf Ciidanka dhexdiisa ah, taasi oo keentay in shaqada laga cayriyo waa sida war-saxaafadeedka loo dhigaye.