Ciidamada Kenya oo Odayaasha Mandhera kala hadlay sugida amniga xuduuda

17

20 ka mid ah odayaasha magaalada Mandera ayaa kulan la qaatay ciidamada Difaaca Kenya oo ay kawada hadleen sugida amaanka xuduuda ay Somalia la wadaagan.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Saraakiisha booliska magaalada ayaa lagu lafa guray sidii la iskaga kaashan lahaa in laga hortago dagaalameyaasha Al-shabaab ee dhinaca Xadka kasoo talaaba ee werarada ka gaysta Kenya, Sidoo kale waxa lagu wargeliyay Odayaasha inay la socdaan dhaqan Ardayda ay dhaleen ay iskuulaadka u diraan hadii ay jirto in wax kabadal.lagu sameeyo ama fikrado xagjirnimo ah lagu shubo.

Sido kale kulanka ayaa lagu soo qaaday in laiskaga kashaso wadaagista macluumadka kuwa Alshabab kasoo goosanaya ee gudaha Kenya soogaara.

Arimahaani dhami ayaa imaanaya waqti dalkaasi Kenya meelo kamid ah looga dabaaldegayo sanadka cusub