Askar ka tirsan Ciidanka booliska oo lagu dilay dagaal ka dhacay Matabaan

15

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xalay ka dhacay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ka dib markii ay halkaasi ku dagaallamay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad hubeysan.

Malleyshiyaadka ayaa isbaaro dhigtay degaanka Dhisaqa, waxaana weerarka ku qaaday Ciidanka booliska gaarka ah ee loo yaqaano Haramcad.

Ciidanka Ammaanka ayaa dagaal kula wareegay degaanka ay Maleeshiyadka Isbaarada dhigtay, waxaana howlgalkii lagu qabsanayay ku dhintay Saddex Askari oo ka tirsan ciidanka booliska gaarka ah.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa maalmihii lasoo dhaafay dilal ku saleysan anooyin qabiil ka geystay degaanka, waxaana ay sidoo kale lacag baad ah ka qaadaayeen gaadiidka.