Shabaab iyo dad shacab ah oo ku dagaalamay Koofurta gobolka Mudug

24

Warar naga soo gaaraya deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta uu dagaal halkaasi ku dhex maray dad Shacab ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dagaal ayaa yimid ka dib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen deegaanka, waxaana uu halkaasi dagaal ku dhexmaray Al-Shabaab iyo dadkii dadka deegaanka.

Guddoomiyaha Deegaanka Bacaadweyn oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in ay iska difaaceen kooxdii soo weerartay isla markaana ay hadda xaalu deganyahay.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in ay dib kaga soo biireen Ciidamo ka tirsan dawlada Soomaaliya, kadibna ay goobta ka carareen Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay.