Xal laga gaaray xiisad ka taagneed Kaaraan

21

Sida ay xog ku heshay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho Waxaa xal laga gaaray isku dhicii dhowaan ka dhacay degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir, kaas oo u dhaxeeyay saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya islamarkaana isku dhacaasi uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in gogol uu fidiyay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas lagu dhammeeyay wixii khilaaf iyo dhib ka dhashay dagaalkaas oo si dhaqan looga xaalay.

Dadaalada xallinta xurgufta u dhaxeysay Saraakiisha iyo dhinaca dowladda waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaan Abdikadir Arabow.