Suuqyada Garoowe oo maanta markale laga diiday isticmaalka shilinka Soomaaliga ah.

47

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in maanta markale suuqyada  magaaladaasi,  laga diiday Lacagta Shilin Soomaaliga ah, kadib markii Ganacsatadu sheegtay in Bankiga Puntland uu diiday Sarifka iyo socod-siinta Shilinka Soomaaliga ah.

Dhammaan Goobaha kala duwan ee Ganacsiga magaalada Garoowe iyo dukaamada  ayaa diiday qaadashada Shilin Soomaaliga, waxaana Cuntada iyo Adeegyada as’aasiga ah lagu iibsanaya Lacagta Dollarka.

Talaabadan ayaa waxaa ay markale saamayn ba’an ku yeelatay dadka Danyarta ah, oo aan wax ku iibsan Karin Lacagta Dollar-ka, gaar ahaan kuwa muruq-maalka ah.

Waxa xusid mudan, in Xukuumadda Puntland aysan weli ka jawaabin xaaladdan ka aloosan Suuqyada Garoowe, taas oo culays ku keentay dhaqdhaqaaqa Ganacsiga Caasimadda.