R/Wasaare Rooble oo Muqdisho ka bilaabay kulamo lagu xalinayo tabashooyinka laga qabo doorashooyinka

17

R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen  Rooble ayaa magaalada  Muqdisho waxaa uu ka bilaabay kulamo lagu xalinayo tabashooyinka laga qabo arrimaha doorashooyinka.

Kulamadan ayaa looga gogol leeyahay sidii xal waara looga gaari lahaa muranka ka taagan guddiyada doorashooyinka.

Sidoo kale R/Wasaare Rooble ayaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar la qaato xubnaha musharixiinta mucaaradka ee aadka u diidan guddiga doorashooyinka

Shalay ayay aheyd markii R/Wasaare Rooble uu kulan la qaatay hoggamiyaha Xisbiga Wadajir ee CabdiraxmaanCabdishakuur Warsame, kaasi oo uu kala hadlay arimaha doorashooyinka iyo sidii loo dhameyn lahaa tabashooyinka ay qabaan xubnaha mucaaradka ah