Taliyaha ciidanka Asluubta soomaaliya oo ka badbaaday qarax saakay ka dhacay Muqdisho

12

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa saakay ka badbaaday qarax miino oo ka dhacay agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee magaalada Muqdisho, sida ay markabley  u shergeen dadka deegaanka.

Qaraxa oo ah miinada dhulka la geliyo ayaa haleelay mid kamid ah kolonyada taliyaha ciidanja asluubta soomaaliya.

Inta la ogyahay 2 kamid ah ciidankii la socday ayaa ku geeriyooday, halka qaar kalane ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale waxaa jira khasaare dhimasho iyo dbaawac oo dad shacab ah ka soo gaaary qaraxaas.