UNHRC oo ka hadashay geerida muwaadin Soomaaliyeed oo magangalyo doon ah oo ku sugnaa Tripoli

7

Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in ay ka murugaysan tahay geerida 19-jir magangalyo-doon Soomaali ah oo ku sugnaa magaalada Tripoli ee dalka Libya ka dib markii laga soo saaray cusbitaalka dhammaadkii Diseembar.

Ninkan dhallinyarada ah ayaa iska diiwaangeliyay UNHCR bishii Oktoobar 2020 ka dib markii laga sii daayay xabsi kuyaala magaalada Bani Walid oo laga bixiyay lacag madax furasho ah.

Marxuumka ayaa muddo hal sano ah loo haystay madax furashada, waxaana loo geystay jir dil iyo noocyo kala duwan oo daryeel xumo ah.
Waxaa la sheegay markii xabsiga lagasoo saaray in xaaladdiisa caafimaad ay aad u liidatay uunu geeriyooday.

Dalka Libya waxaa kuyaala xabsiyo lagu haysto dadka muhaajiriinta ee doonaya inay Yurub galaan,iyagoo ugasii gudbaya Libya, waxaana xabsiyadaas sanad kasta ku dhinta dad madax furasho loo haysto.