Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirada Puntland?.

5

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada ee Dowladda Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaasi Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Shirka ayaa todobaadkan waxaa looga hadlay Amniga, horumarinta Garoomada Diyaaradaha, Mushaharka Shaqaalaha iyo dib-u-eegista khidmadda Visaha iyo shaqasiinta Ajaanibta.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa lagu falanqeeyay cabashooyinka ka imaanaya shacabka Puntland, kaasi oo ku aadan isticmaalka shilin soomaaliga iyo inuu dhaqan galay amarka maamulka.