Uganda oo u yeeratay qaar kamid ah ciidamada ka jooga Soomaaliya

12

 RADIO MARKABLEY- Dowladda Uganda oo kamid ah dalalka ay ciidamada nabad ilaalinta ka joogaan Soomaaliya ayaa sheegtay in qaar kamid ah ciidamadeeda ay kala baxday Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan sugida amniga, iyadoo dalkaasi 14 bishaan Janaayo ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha iyo tan Baarlamanka.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo khudbad uu jeediyay kaga hadlay arrinkan ayaa sheegay in ciidamo heer sare ah la geeyay magaalada caasimada ah ee Kambala si ay meesha uga saaraan dambiyada ka dhanka ah amniga doorashooyinka.

Yoweri Musaveni ayaa wuxuu sheegay in cutubyo ka tirsan militariga oo si heer sare ah loo tababaray oo howgallo nabad ilaalin ah ka waday Soomaaliya ay sugi doonaan amniga ka hor doorashooyinka.

Museveni wuxuu sheegay in arimahan ay ku qasbeen inuu dib ugu yeero ciidamada ka joogay Soomaaliya si ay gacan uga geystaan adkaynta nabada Kampala.

“Mucaaradka waxay ku hanjabeen inay gubayaan kaalimaha shidaalka ee Kampala. Waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo inaysan jirin cid gubaysa Kampala, ”ayuu yiri Museveni.

Museveni wuxuu ku kalsoon yahay in dadku si nabad ah u dhiiban karaan codkooda marka la gaaro Janaayo 14.

Madaxweyne Yoweri Museveni, oo xilka madaxtinimada hayay tan iyo 1986-kii, ayaa waxa uu loollan kala kulmayaa 11 musharrax, oo uu ka mid yahay heesaaga da’da yar ee loo yaqaan Bobi Wine.