James Swan oo madaxda HirShabeelle kala hadlay xal u helida kacdoonka Beladweyne.

10

Wakiilka Qaramada Midoobey ee arimaha soomaaliya James Swan ayaa kulamo waxaa uu la qaatay  Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen

Ergayga qaramada midoobey ee arrimaha soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in ay  wadahadlaan dadka ka soo jeeda deegaanada Hirshabelle si loo helo dib u heshiisiin.

James Swan ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in xafiiska qaramada midoobey ay diyaar u tahay inay taageerto dadaalada lagu dhameynayo khilaafka ka dhashay doorashada ka dhacday deegaanada Hirshabelle.

Dhawaan ayay aheyd markii madaxda Hirshabelle ee ku sugan magaalada Beledweyne ay sheegeen in ay wadaan dadaalo lagu dhameynayo tabashooyinka ay qabaan shacabka ku nool gobolka Hiiraan.