Madaxweynaha Hirshabelle oo guddoomiyay shir looga hadlayay amniga

43

MARKABLEY Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir guddoomiyay Kulanka Guud ee Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Shirka oo maanta ay kasoo qeybgaleen Wasiiru dowlaha Amniga, Maamulka Gobolka  Shabeellaha  Dhexe, Taliyaha Guutada 3-aad ee qeybta 27-aad,  Taliyaha Ciidanka Danab ee Hirshabeelle, Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Hirshabeelle, Saraakiil ka socotay Taliska Guud ee Booliska Hirshabeelle, Taliyaha Ciidanka Haram cad  ee Hirshabeelle iyo saraakiil kale.

Saraakiisha Amniga ayaa madaxwaynaha la wadaagay howlgalo  qorsheysan oo Hay’adaha Amaanka ku sameeyeen is looga shaqeeyo nabad galyada Caasimada iyo Guud ahaan Magaalooyinka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Hay’adaha Amniga oo dhaqo culus u haya  Bulshada Hirshabeelle.