Puntland oo sheegtay in ay bixin doonto magta gabar yar oo ay Booliiska dileen

17

Waxa shalay magaalada Garoowe lagu aasay marxuumad Nadiiro Faysal Shire, oo da’deedu ahayd 15-sano jir, taas oo u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray Rasaas Booliiska Puntland ku rideen dad muddaharaad ka samaynayay Garoowe, 26-kii December 2020.

Marxuumadda oo geeriyootay 2-dii bishan January 2021 ayaa mudda saddex maalmood ah ku jiray tallaagad, kadib markii dowladdu caddaalad u samayn wayday Qoska gabadha oo ka soo jeeda Beelaha la hayb-sooco, balse ugu dambayn waxay dowladdu aqbashay in ay bixiso Magta gabadha.

Qoraal ka soo baxay Wasiirka Amniga Cabdisamad Gallan, oo lagu socod-siiyay wasaaradda Maaliyadda Puntland, islamarkaana la ogaysiiyay Qoyska Marxuumadda ,ayaa lagu sheegay in maamulka bixin doonto Magta gabadhaas yar.