Maxaa looga hadlay kulanka xildhibaanada Hir-shabeelle?

10

Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo ayaa maanta shir ku yeeshay xarruuntooda magaalada Jowhar ayaa yeeshay Kalfadhiga 1-aad Fadhigiisa 14-aad, waxayna kaga hadleen ajediyaal kala duwan.

Kulanka oo uu shir Guddoominayey Ku-simaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa Ajendahiihu ahaa Qeybinta iyo Akhrinta Xeer Hoosadka Baarlamanka iyadoo Xoghayaha guud ee Golaha Abdiwahid Maxamed Xuseen  (Wadaariyad)  uu Xildhibaanada Kahor Akhriyey Cutubka 1-aad oo ka kooban 10 Qodob iyo Cutubka 2aad oo ka kooban 7 qodob oo dhamaantod ah Xeer Hoosadka Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle

Ugu dambeyn Ku-simaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad Siraaji Sheikh Isxaaq ayaa soo xiray Fadhiga isagoo xildhibaanada ku wargeliyey in akhrinta Xeer Hoosadka sii socon doono ilaa laga dhameyo Cutubyada iyo Qodobada uu ka kooban Xeer Hoosadka Baarlamanka.