Faahfaahino laga helayo ceelal ay Al-Shabaab ku qarxiyeen G/Mudug

12

Wararka aan ka heleyno gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya waxay sheegayaan in xalay saqdii dhexe qaraxyo xoog leh laga maqlay deegaanka Bacaadweyn ee gobolkaas.

Qaraxyada oo gaaray illaa laba ayaa lagu soo waramayaa in lagu burburiyey Ceel Biyood ku yaalla duleedka deegaanka Bacaadweyn.

Wararka ayaa sheegaya in falkaasi ay ka dambeeyeen dagaalamayasha Al-Shabaab, kuwaas oo qaraxyo ku xiray Ceelkaas.

Ceel-ka la qarxiyey ayaa muhiim u ahaa dadka deegaanka sida wararku sheegayaan, waxaana ka cabi jiray dad reer guuraa ah oo ku nool tuulooyinka hoos taga Bacaadweyn.

Inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerarro gaadmo ah ka geysta deegaanada dhaca koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.