Janeraal Xuud oo sheegay in uu Maxkamad la tegi doono Ciidamadii rasaaseeyay banaanbaxayaasha

11

Janeraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo ah Hoggaamiyaha Jabhadda  kasoo horjeeda qaabka loo dhisay Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle, isla markaana Ciidamo farabadan heysta ayaa Maanta gaaray Magaalada Beledweyne.

Janeraalka ayaa booqday qaar kamid ah dadkii Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle ay ku dhaawaceen rasaas ay ku fureen xilli ay Beledwyene ka dhigayeen banaanbax ay uga soo horjeedeen Maamulka Hir-Shabeelle & dad ay Ciidamada xireen.

Dhaawacyada uu booqday ayaa waxaa kamid ah haweeneey lagu Magacaabo Nimco Caalin oo kamid ahedy dadkii ku dhaawacmay rasaastii ay fureen Ciidamada booliska Maamulka Hir-Shabeelle.

Hadal kooban oo uu Warbaahinta siiyay ayaa waxaa uu ku sheegay in aysan halkaasi uga hareen Ciidamadii dadka shacabka ah rasaaseeyay, waxaana uu sheegay inay Maxkamad la tiigsan  doonaan.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay warar sheegayay in uu kasoo horjeedo in doorashada Xildhibaannada labada aqal lagu qabto Beledweyne, waxaana uu sheegay in warkaasi aan waxba ka jirin, isla markaana doorashada lagu qaban karo Beledweyne.