Guddoomiyaha Aqalka Sare oo xubno loogu darayo guddiga doorashada ay Magacaawday Xukuumadda

16

Guddiga Doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi ayaa la filayaa in Afar xubnood oo ka socda dhanka Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi loogu daro Guddiga doorashooyinka ay horay u Magacaawday xukuumadda Soomaaliya.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socday kulamo lagu xalinaayo tabashada gudoomiyaha aqalka sare uu ka keenay Guddiga Doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi oo ay Magacaawday xukuumadda, kuwaas oo uu sheegay in wadatashi la’aan lagu Magacaabay.

Shirar Magaalada garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal ay ku yeesheen Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed oo ay qeyb ka ahaayeen Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland ayaa lagu gaaray isfamka xubnaha loogu darayo Gddoomiyaha aqalka sare Guddiga ay Magacaawday Xukuumadda.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa qoraalo isdaba-joog ahaay oo uu soo saaray ayuu dhowr jeer uga soo horjeestay guddiga doorashada xildhibaannada Gobolada Waqooyi oo ay magacaawday xukuumadda, isaga oo Magacaabay Guddiyo kale, waxaana tallaabadaas ku taageeray Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.