CC Shakuur Oo Shacabka Weydiistay Lacag Uu Ku Galo Ololaha Doorashada

15

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa uu sheegay in Xisbigiisa uu weydiisanayo shacabka Soomaaliyeed taageero dhaqaale iyo garab istaag.

C/raxmaan C/Shakuur oo muuqaal iska soo duubay ayaa waxaa uu sheegay in Xisbigiisa uu shacabka Soomaaliyeed weydiisanayo taageero dhaqaale oo ay ku galaan ololaha doorashada dalka ka dhacaya sanadka 2021.Waxaa uu sheegay Siyaasiga in shacabka marnaba aysan ka maarmin oo ay u baahan yihii, isla markaana waxaa uu caddeeyay in arrintaan ay u soo bandhigeen, si looga gudbo in dalal shisheeye ay weydiistaan lacag ay ololala doorashada ku galaan.

Isaga oo sii hadlaayay C/raxmaan C/Shakuur ayuu ayaan darro ku tilmaamay in xiliyada doorashada taageero dhaqaale iyo garab la weydiisto dowladdo Shisheeye, wuxuuna sheegay in haddii lagu doorto aad maxbuus u ahaan doonto dalalkii ku taageeray.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/Shakuur ugu baaqay inay caawiyaan oo ay ku deeqaan wax kasta oo ay awoodan, isagoo shacabka ka rajeeyay inay taageeri doonaan isaga iyo Xisbiga uu hoggaamiyo ee Wadajir.

“Si looga gudbo gacan hoorsi ajnabi iyo talada uu shisheeye nala yeesho, ayuu ololaha doorashadeenna si toos uu shacabka Soomaaliyeed u waydiisanaynaa taageero dhaqaale. Waxey rajeyneynaa in aad farriintan si togan uga falcelin doontaan” ayuu yiri Musharax C/raxmaan C/Shakuur Warsame.

Ugu dambeyn Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayuu kula teliyay in shacabka ay taageero iyo garab istaag weydiistaan shacabkooda, isla markaana aysan taageero weydiisan dalal shisheeye oo goor dambe Maxbuus loo noqanayo.