Faahfaahino laga helayo dhexdhaxaadin uu bilaabay madaxweyne Qoor Qoor

12

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa xalay kulamo saacado badan qaatay ku yeeshay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Kulamadaas ayaa intii ay socdeen waxaa diirada lagu saaray muranka xoogan ee ka taagan arrimaha doorashada Soomaaliya, khilaafka la xariira gacan ku heynta gobolka Gedo ee u dhaxeysa Jubbaland iyo Dowladda Federaalka iyo qodobo kale.

Warar lagu kalsoonaa karo oo ay kulamadaas ka heshay KNN waxay sheegayaan, in Madaxweyne Farmaajo uu ogolaaday in la guda galo dhex-dhex xadintaas uu garwadeenka ka yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Qoor Qoor ayaa haatan gunta dhiisha isaga dhigaya inuu dhameeyo khilaafka gaamuray ee ka taagan doorashada dalka, taas oo wejiyo badan leh.

Si gaar ah wararka aan helnay waxay sheegayaan in hadda qodobada xalka loo raadinayo ay ka mid yihiin doorashada kuraasta xildhibaanada baarlamaanka 11-aad ka soo gelaya gobolka Gedo oo la doonayo in xal laga gaaro inta aan la guda gelin doorashada.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la tilmaamay inuu dalbaday in laga war sugo  inta uu jawaab ka keenayo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Qoor-Qoor ayaa horay musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday bil ka hor in uu dhaxdhexaadiyo iyaga iyo madaxweyne Farmaajo, taas oo ay ka aqbaleen, sida ay shaaciyeen xilligaas.

Kulamadaan ayaa ku aadaya iyadoo Madaxweynayaasha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo kan Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ay shalay kulan gaar ah Muqdisho kula yeesheen Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, waxaana la sheegay inay kala hadleen caqabadaha ka jira doorashada, gaar ahaan arrinta gobolka Gedo iyo doorashada xildhibaannada gobollada waqooyi ee Somaliland.