Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Ka Hadlay Geerida Wariye Axmed Cabdinuur

23

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Wariyihii BBC-da Axmed Cabdinuur oo ku geeriyooday dalka Ingriiska.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa  tacsi u diray qoyskii, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Wariye Axmed Cabdinuur, waxaana eebbe uga baryay in uu jannadii Fardowso ka waraabiyo, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee wariye Axmed Cabdinuur oo ka mid ahaa tiirarka Warbaahinta Soomaaliyeed. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Fardowso ka waraabiyo, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Axmed Cabdinuur oo Soomaalidu ay si weyn magaciisa iyo codkiisaba u yaqaanneen ayaa u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee Covid-19, sida ay xaqiijisay xaaskiisa.