Midowga Yurub oo muddo kordhin u sameeyay ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya

11

Golaha Midowga Yurub ayaa dhaqan geliyay go’aan mudada loogu kordhinayo howlgalka Ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, iyadoo loogu daray muddo labo sano oo dheeri ah, ilaa 31ka Diseembar 2022.

Waxaa howlgalka lagusoo kordhiyay Waajibaad cusub oo ay kamid yihiin, la dagaalanka kalluumaysiga sharci darrada ah, daroogada, hubka iyo ka ganacsiga dhuxusha.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in howlaha la xiriira la dagaalanka daroogooyinka sharci darrada ah iyo ka ganacsiga hubka, laga dhaqan gelin doono aag gaar ah oo ka mid ah Gacanka Cadan.

Warbixin uu sannadkii hore sii daayay guddi katirsan qaramada Midoobay waxay sheegeen in gacanta Cadan uu kamid yahay marinada waaweyn ee lasoo marsiiyo hubka sharci darrada ah ee soo gala Soomaaliya.

Kowdii bishaan ayuu soo baxay go’aanka kordhinta joogitaanka ciidamada midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo muddo ka badan 10 sano ka shaqeynayay la dagaalanka burcad badeeda, inkastoo burcad badeedu mar hore ay soo afjarantay.