Madaxweyne Farmaajo iyo Lafta Gareen oo kulan ku yeeshay Muqdisho

30

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa xalay  Madaxtooyada  Somalia kulan kula qaatay  Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo shalay  ka soo laabtay safar uu ku maqnaa dalka Turkiga.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay  xaalada siyaasadeed ee xiligan uu marayo dalka  gaar ahaan arrimaha  doorashooyinka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulanka xalay uu  bilowday  Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed uu ku soo biiri doono Madaxweynaha maamulka  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maalinta  la filayo inuu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Muran xoog leh ayaa hareeyey habraaca doorashooyinka Soomaaliya iyadoo lagu eedaynayo xukuumadda Soomaaliya in ay samaysatay guddi doorasho oo ka kooban shaqaalaha Villa Soomaaliya iyo sirdoonka dowladda.

Musharrixiinta mucaaradka ah ayaa ku doodaya in dowladdu ay iska indha tirtay cabashooyinka laga keenay guddiga doorashooyinka ee heer Federal. Guddigaas oo shaqadooda bilaabay iyadoo ay weli ka maqan yihiin xubnaha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.