Faahfaahino ka soo baxaya dad shacab ah ku geeriyooday qarax ka dhacay Bakool

12

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dad shacab ah oo ku geeriyooday qarax miino oo kula qaraxday duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Inta la xaqiijiyay 3 qof oo shacab ah oo mid ka mid ah dumar tahay ayaa duleedka tuulada Gaabaneey oo hoos tagta degmada Xudur  ku geeriyooday, ka dib markii ay la kacday walxa qarxa oo meel duur ah ay ka soo qaadeen sida ay  xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Allaah unaxariistee Cumar Maxamed Cali iyo Maxamuud Abdi Maxamed oo ku geeriyooday goobta walxaha qarxa kula kaceen waxay ifka uga tageen shan iyo toban caruur ah iyo sadax  xaas, halka gabadha oo 17 jir aheyd dhaawac halis ah ka soo gaarey qaraxa ka dibna isbitaalka xuddur ugu geeriyootay.