Qoor Qoor iyo Kheyre oo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka.

27

Waxaa magaalada Garoowe ka socda  kulamo gaar gaar ah oo ay ku yeesheen, Xubnaha mucaaradka iyo Muxafidka isugu jira ee ku sugan halkaas, iyaga oo ka hadlaya xaaladda guud ee dalka iyo midda doorashada.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan  Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay yeeshay kulan kaasi oo ay diirradda ku saaraan Arrimaha murugsan ee uu khilaafka ka taaganyahay sida hannaanka doorashada.

Labada masuul ayaa meel isla dhigay in muhiim ay tahay xal ka gaaridda khilaafka taagan si dalka ay uga dhacdo doorasho lagu wada qanacsanyahay.

musharixiinta ku sugan garoowe iyo masuuliyiinta dowladda ee halkaasi jooga ayaa lagu sheegay in ay isku fahmeen shir deg deg ah in la qabto kaasi oo xal looga gaarayo arrimaha doorashada.