Ammaanka magaalooyinka Kenya oo aad loo adkeeyay

11

Saraakiisha dalka Kenya ayaa sheegay in si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, waxana ay sheegen inay hayaan xogta weerar argagexiso oo ay qorsheenayaan  Al-shabab inta lagu guda jiro maalmaha ciida Kirismiska.

Ciidamo boolis ah ayaa la dhigay magaalooyinka dalka, iyagoona heegan buuxa la geliyay, maadaama sanadka cusub uu maanta bilowday, sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya

Gudoomiyaha magaalada Mombasa Nelson Achoki ayaa horey u sheegay in ay suurta gal tahay in Al-shabab ay qorsheenayaan weeraro ay ka geestan magaalada xeebta dhacda ee dalkaasi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamo boolis ah  la geeyay  xarumaha muhiimka ah oo laga baqdin qabo in la weeraro.

“waxaan adkeenay amaanka Mombassa gaar ahaan garoomada iyo meelaha loo dukaamaysi tago”.

Dhamaan Ciidamada Amaanka dalkaasi ayaa heegan la galiyay waxaana lagu arkayaa wadooyinka waaweyn ee magaalada Ciidamo Xoogan oo sugaya Amniga Gobalada Iyo Magaalooyinka dalkaasi.

Sido kale Laamana amaanka ayaa faray Shacabka iney muujiyaan feejignaan dheeri ah maadama ay hayaan xogo la xiriiro Weeraro ka dhaca Magaalooyinka dalkaasi, xiliga lagu guda jiro Dabaal dagyada Maalinta geesiyaasha dalka Kenya.

Al Shabaab ayaa inta badan Weeraro ka fulisa gudaha dalka  Kenya, iyadoona la xasuusto Weerarkii Jaamacada gaarisa iyo kii lagu qaaday Xarunta Ganacsi ee Westgate mall.