Musharax Madaxweyne Daahir Geelle oo ka qeyb galay casumaad uu fidiyay Madaxweyne Deni

11

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta ka qeyb galay kulan qado ah oo uu Madaxweynaha Dawladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ku casumay Madaxda ka qeyb-galaysa madasha aragti-wadaagga ee machadka Heritage.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa kulan wada sheekeysi ah la qaatay dhammaan Madaxda ka qeyb gashay qado sharafta, isagoo maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Garowe ka waday ololihiisa ku aadan xilka Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiillada  Puntland Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril  oo uu wehliyo ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame .

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane, Mohamed Mursal Sheikh  Abdurrahman  , Ra’isul wasaare ku xigeenka JFS Mudane, Mahdi M. Gulaid , Madaxweyne ku xigeenka DPL iyo Mudane, Ahmed E. Osman Karaash.