Al-Shabaab oo dad Shacab iyo askar isugu jira ku dishay duleedka degmada Waajid

27

Wararka naga soo gaaraya degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay dad shacab iyo askar iskugu jireen ay ku dileen duleedka degmadaasi.

Dilkan ayaa dhacay ka dib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen gaari ay dadkaasi saarnaayeen, oo waday qaad, sida ay KNN u sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.

Weerarkan ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay Afar oo shacab iyo askar iskugu jira, sida goobjoogayaashu noo xaqiijiyeen.

Majiro wax war oo ka soo baxay maamulka degmada Waajid ee gobolka Bakool oo ku aadan weerarka maanta ka dhacay degmadaasi.